Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in go’aanka ay kaga baxday wadahadalladii socon waayay ee ay la lahayd Soomaaliya loo qaaday si loo ilaaliyo madaxbannaanida, xasiloonida iyo masaalixda Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasna waxa sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo barta X(Twitter) ku baahiyay qoraal, waxaannu caddeeyay inkasta oo la doonayay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay noqdaan qaar midho dhala- Haseyeeshee wax natiijo ah laga gaadhi waayay wadahadalkadaasi oo ay dhinaca dawladda fashilantay ee Soomaaliya ka soo bixi wayday in wadaxaajoodka lagu meelmariyo arrimaha masiiriga ah.
Afhayeen Xuseen Deyr, wuxuu sharraxay sida Soomaaliya ay ugu xadgudubtay madaxbannaanida Somaliland; isla markaana ay ku fashilantay sidii labada dhinac isu xurmayn isu xushmayn lahaayeen.
Wuxuu Afhayeenku ku eedeeyay dawladda Muqdisho in Soomaaliya xilliyo badan ay samaystay dhaqan khiyaamo iyo masuuliyad darro ah oo ay ku wiiqaysay geedi-socodka wadahadalka.
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu ku dooday in go’aanka xukuumadda Somaliland kaga baxday wadahadalku aanu ahayn mid dib u gurasho ah; hase ahaatee uu yahay qaraar geesinimo leh oo lagaga hortagayo wadahadallo wakhti lumis ah oo dhaawacaya karaamada qarannimada Somaliland.
“Go’aankani wuxuu muujinayaa sida Somaliland ay uga go’an tahay mustaqbal ka wanaagsan—oo ku dhisan mabaa’diida madax-bannaanida, xorriyadda, dawladnimada, xasilloonida, iyo barwaaqada dhammaan shacabka reer Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aaden Cige Deyr.