Somaliland oo Qaramada Midoobay la-wadaagtay walaaca ku lug-lahaanshaha Masar ee gobolka

0
1831

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Rooda Jaamac Cilmi, ayaa maanta la kulantay Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland, ayaa danjire James Swan kala hadashay, horumarinta mandaqada, mucaawinnada bini’aadanimo iyo doorashooyinka Somaliland.

Waxay wasiirku u la wadaagtay danjiraha muddadii ay Somaliland ka go’nayd nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada, isla-markaana ay ballanqaaday inay horumariso dedaalka ay ugu jirto xoojinta dimuqraaddiyadda iyo u diyaar garowga doorashooyinka oo ay taageerada Beesha Caalamku ka geysatay xaddidan tahay.

Danjire Swan, ayay u bandhigtay mowqifka iyo walaaca ay arrimaha ka socda gobolka iyo ku lug lahaanshaha taban ee Masar ku yeellanayso mandaqada.

Waxaa kaloo ay u sheegtay, in madaxbannaanida Somaliland waafaqsan tahay shuruucda caalamiga ah iyo cahdiga Qaramada Midoobay.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland, ayaa waxa ay ku boorisay Qaramada Midoobay inay sii wado kaalmada bini’aadanimo iyo horumarinta mucaawimooyinka ay siiso Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here