Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay booqashada Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood.
Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa waxaa ay tilmaantay in booqashadaasi ay xadgudub ku tahay madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida mandaqada.
Sidaasna waxaa ay Wasaaradda arrimaha dibeddu ku sheegatay war-murtiyeed ay soo saartay, waxana ay shaacisay in booqashada Raysal wasaaraha Muqdisho ay wiiqayso dedaallada socda ee lagu xoojinayo nabada iyo xasiloonida gobolka.
Wasaaradda arrimaha Dibedda, ayaa waxa ay xustay in maamulka Soomaaliya ay masuul ka tahay xasilooni darrada ka dhalata booqashadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah in ay garowsadaan in falalka masuuliyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo khatar toos ah ku haya nabadda iyo amniga gobolka.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka
“Somaliland waxay muddo dheer dulqaad u muujisay ficillada daandaansiga ah ee Soomaaliya, iyadoo weligeed ay tiir u ahayd xasilloonida isla markaana samayn togan u leedahay mandaqada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda.
Dawladda Somaliland waxa ay ku boorisay beesha caalamka iyo dalalka gobolka inay si degdeg ah oo wadajir ah uga falceliyaan xasilooni darrada ay ku foogan tahay Soomaaliya.
Waxa kaloo ay intaas ku dartay in haddii aan wax laga qaban ay mandaqada ku faafi doonaan kooxaha qalalaasaha wada oo horseedi doona khataro amni darro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay caddaysay go’aankeeda ku wajahan nabad, wadahadal iyo iskaashi goboleed.
Xukuumaddu waxa ay shaacisay inay qaadi doonto tallaabooyin cadcad oo ay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo amnigeeda haddii ay khatar ku timaaddo.