Hargeysa,(HargeisaPress) – Somaliland waxa ay beesha Caalamka ugu baaqaysaa in ay ku baraarugaan dhibaatada ka soo socota hawada Somaliland iyo Soomaaliya.
1. Maamulka, Madax-bannaanida iyo Bad-qabka Hawada (Airspace Sovereignty and Safety)
Xukuumadda JSL waxay cadaynaysaa inay iyadu leedahay Hawada Cirka, Dhulka iyo Badda ee Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oggolaanshaha isticmaalkeedana laga qaadan karo oo kaliya Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Somaliland, si waafaqsan Shuruucda Duulimaadyada ee Qaranka iyo kuwa Caalamiga ah.
2. eVisa iyo Shuruucda Socdaalka (Disapproval of Somalia’s unlawful eVisa)
Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in dal-ku-galka ay dhawaan soo saartay Somalia ee e-Visa aanu khusaynin Jamhuuriyadda Somaliland, aan lagu soo gali Karin, isla markaana Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay Nidaam u gaar ah oo socdaalka iyo safarrada ah.
Siyaasadda JSL ee socdaalku waa in dal-ku-galku yahay mid furan (Visa on Arrival), qof kasta oo u safraya Somaliland wuxuu dal-ku-galka ka heli karaa Madaaradda Hargeysa ee Cigaal International Airport iyo Berbera International Airport.
3. Shuruucda Duulimaadyada Hawada Sare ee JSL (Regulation of Flights within Somaliland Airspace)
Laga bilaabo November 10th, 2025 dhammaan diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee JSL waa inay haystaan oggolaansaha isticmaalka hawada ee Somaliland oo laga qaadanayo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL, diyaarad aan haysanin oggolaanshaha Somaliland ma mari karto hawadeeda, cidii sharcigaasi khilaaftana waxa laga qaadayaa tallaabooyinka la xidhiidha si waafaqsan shuruucda Aviation ee Somaliland iyo kuwa Caalamiga ahba.
4. Baaqa Beesha Caalamka (International Appeal)
Xukuumadda JSL waxay ugu baaqaysaa Hay’addaha Caalamiga ah (International Aviation Authorities), Wadaagayaasha Adeegyada Diyaaradaha iyo Duulimaadyada (ICAO, IATA), Qaramada Midoobay, Hay’addaha Dowladdaha ka dhexeeya ee daneeyayayaasha ah (bilateral and multilateral stakeholders), inay ku baraarugaan dhibaatada ka soo socota Hawada Somaliland iyo Somalia ee ay keentay tallaabooyinka ay qaaday Somalia ee ay ku siyaasadaysay Maamulka Hawada iyo Duulimaadyada Ray’idka ah oo ay ka dhigtay Hub ay kula dagaalanto Dowladda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo halis amni ku ah bad-qabka diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa rakaabka ee isticmaala Hawada Somalia iyo Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka tallaabooyinkan:
1. In la hubiyo dhex-dhexaadnimada Maamulka Hawada sida uu dhigayo Sharciga Caalamiga ah iyo kuwa duulimaadyada ee Qaramada Midoobay, meeshana laga saaro khaladka ku jira System-ka Timatic ee IATA ee Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland sida khaladka ah ugu calaamadiyay inay ka mid yihiin Soomaaliya.
2. In la helo xal sharci oo lagu maarayn karo Dhibaatada Hawada ee ay Soomaaliya abuurtay, maadaama xaqiiqada jirtaa ay tahay in Jamhuuriyadda ay u madaxbannaan tahay Maamulka Dhulkeeda, Baddeeda iyo Hawadeeda.
3. In la sameeyo hab-raac (mechanism) daah-furan oo la xidhiidha Maamulka Dhaqaalaha Hawada Somaliland/Somalia ee sida khaldan gacanta loogu geliyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
4. In ICAO samayso qiimayn madaxbannaan oo lagu sameeyo Maamulka Duulimaadyada iyo Madaaradda JSL, lana sameeyo nidaam si toos loogula macaamilayo Duulimaadyada Rayidka ah ee JSL.

















