Mucaaradka oo Safiirada Norway iyo Turkiga U Cadeeyay Mowqifkooda Wadahadalada Soomaaliya

0
2583

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xubnihii Safiirada ahaa ee ka socday dalalka Norway iyo Turkiga, ayaa waxaa ay maanta kulan xaasaasi ah ay la yeesheen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani.

Safiiradan ka socda dalalka Norway iyo Turkiga oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu, ayaa shalay soo gaadhay Somaliland, iyadoo ujeedka imaatinkoodu la xidhiidho sidii dib loogu furi lahaa wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda Mucaaradka, ayaa Safiirada waxaa ay u sheegeen in aanay habayaraatee wakhtigan haboonayn in wadahadalada dib loo furo.

Waxaa kale oo ay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradku u sheegeen Safiirada in aan wax wadahadal ah lala furi karin Soomaaliya ilaa laga xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo Mucaaradka ee ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Kulankan, ayaa imanaya, kadib markii Safiirada dalalka Norway iyo Turkigu ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona dhankiisa Madaxweynuhu u sheegay in aan wadahadalada lala furi karin Soomaaliya, ilaa la fuliyo 7 shuruudood oo ay ugu horayso in Soomaaliya ay hirgaliso dhamaan heshiisyadii hore loo galay.

Safiirada, ayaa geesta kale waxaa ay hore ula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dhankiisa u sheegay inay ka go’antahay in wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya dib loo furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here