Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wadahadlay hubka Soomaaliya galay

0
2333

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay George Conway.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah ay mid ahaayeen wada shaqaynta Somaliland iyo Qaramada midoobey, nabadgelyada iyo mashaariicda horuumarineed, sida mashruuca Maamulka Daadejinta ee JPLG.

Wasiirka, ayaa la wadaagay masuuliyiinta Qaramada Midoobay muhiimadda uu dowladda Somaliland iyo dowladda Itoobiya uu leeyahay heshiishkii is-afgarad ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaare dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Geesta kale, Wasiirka, ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey walaaca dowladda Somaliland ka qabto hubka sharci-darradda ah ee ku qulqulaya Soomaliya, kaasoo maalmihii u danbeeyey hubkii ugu badnaa ee sharci-darro ahi uu  gacanta u galay Qabaa’il iyo Maleeshaad Soomaliya, arrintaasoo khatar gelinaysa xasilloonida iyo nabad-gelyada Gobolka Geeska Afrika.

Wakiilka, ayaa waxaa uu isna Wasiirka la wadaagay dareenka Somaliland ee ku aaddan hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya soo galay.

Walaaca Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hor laba gaadhi oo hub tira badan siday lagu furtay magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud.

Hubkaasi oo u gacan galay shacabka iyo maleeshiyaad hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay dhanka xadka Itoobiya.

Iska hor-imaadka dhex-maray maleeshiyaadka deegaanka iyo ilaalada gawaadhida hubka sidday ee la furtay, ayaa waxaa ka dhashay khasaare, iyadoo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here