Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa waxaa ay yeesheen wada-hadallo xaasasi ah oo ay kaga arrinsanayeen arrimo ku saabsan iskaashiga labada dal ka dhexeeya.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdallahi (Cirro) oo booqasho ku tagay Jabuuti, ayaa Khamiistii Toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay diblumaasiyiinta Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti.
Kulanka oo si gaar ah u dhexmaray Madaxweyne Cirro iyo Safiir Ku-xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Kebede Abera Ido, ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin amniga Badda Cas iyo marinada ganacsiga.
Madaxweynaha Somaliland iyo Safiir Ku-xigeenka Itoobiya ee Jabuuti, ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Safiir Ku-xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabuuti Kebede Abera Ido oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in ay xoojinayaan xidhiidhka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan iskaashiga amniga iyo ganacsiga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhankiisa sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay inay adkayso iskaashiga kala dhexeeya Itoobiya oo ay wadaagaan dano gaar ah iyo xuduud dheer.