Somaliland iyo EUCAP oo ka wadahadlay amniga baddaha iyo horumarinta kalluumeysiga

0
1807

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Iyo horumarinta Xeebaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay Saraakiil sare oo ka socda Hay’adda EUCAP.

Kulanka Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland iyo Saraakiisha Hay’adda EUCAP, ayaa ka dhacay xarunta guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga.

Wasiirka iyo Saraakiisha Hay’adda EUCAP oo kulankoodu saacado badan qaatay, ayaa waxaa ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha amniga baddaha Somaliland iyo xaaladaha marin-biyoodka Badda Cas.

Sidoo kale, waxaa ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa kalluumeysiga iyo sidii loo hir-galin lahaa suuqyada kalluumeysi ee magaalooyinka dalka Somaliland.

Wasiirka, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda Kalluumeysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here