Somaliland: Hooyo Umul ah oo u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga

0
3588

Dhoqoshay (Hargeisa Press)- Waxaa saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada si weyn ugu faafay sawirka Hooyo Umal ah oo ku nool degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, isla-markaana ku jirta imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland.

Hooyadan oo lagu magacaabo Farax Cabdi Maxamuud, ayaa habeenimadii xalay ku Umushay Degmada Dhoqoshay.

Waxaana hooyadan isla saaka ay u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah, iyadoona warqada imtixaanka loogu geeyay xanaanada degmada Dhoqasho oo la dhigay.

Hooyadan, ayaa ka mid ahayd Arday sannadkan u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ee Somaliland ka socda dalka.

Caqabad kasta iyo duruuf kasta oo soo wajaahday Hooyadan, ayaan ka baajin inay gasho imtixaankeeda fasalka Afraad ee dugsiyada sarre.

Hooyadan oo hadashay, ayaa waxaa ay sheegtay in saddexdii cisho ee ugu horeeyay imtixaanka ay gashay, isla-markaana ay maalintii afraad ay umul ka ahayd imtixaanka.

Hooyadan, ayaa waxaa ay imtixaanka ku gashay qol laga siiyay xarunta xanaanada, iyadoo oo uu ilaalinayo askarta loo xil saaray ilaalinta imtixaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here