Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Ismail Baandare ayaa ka qeybgashay Shirka Sanadlaha ah ee Dawladaha Hoose ee Somaliland.
Shirkaasi oo ka qabsoomey Hotel Damal ee magaaladda Hargeysa.
Wasiir Shukri oo Munaasibada ka jeedisay Kalmado kooban ayaa xustay wadashaqeynta Dawladaha Hoose iyo Wasaaradda Deegaanka ka dhaxeysa iyo Waxyaabihii ay soo wadaqabteen sanadkan 2022 ee sii dhamaanaya.
Wasiirku waxa ay madasha ka sheegtay in Dawladaha Hoose oo la dhisaa ay horumarka dalka qeyb weyn ka gaysan doonaan, sidaa darteedna ay u aasaastey waax Dawladaha Hoose kala shaqeysa Horumarinta Deegaanka Magaalooyinka.
Waaxda ayaa mudo sanad ah waxa ay tababaro xirfadeed iyo wacyigalin la xidhiidha Ilaalinta Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada siiyeen 18 degmo oo kamid ah 23 degmo doorasho ee dalka. Waxa kale oo ay daraasad nuglaashaha Isbedelka Cimilada ka sameeyeen 12 degmo, iyada oo laga taageeri doono degmooyinkaasi dejinta qorsheyaal adkeysi iyo laqabsi oo la xidhiidha Isbedelka Cimilada iyo Abaaraha.
Wasiirku waxa kale oo ay xustay in ay Dawladaha Hoose ee Dalka kala shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa Qashinka noocyadiisa kaladuwan, isla markaana Wasaaradda oo kaashaneysa Daneeyayaasha kaladuwan iyo Dawladaha Hoose ee Dalku ay diyaariyeen Sanadkan 2022 Siyaasadii Maareynta Qashinka Dalka taasi oo wax weyn ka tari doonta dhibaatooyinka ka dhasha Qashinka oo culeys wayn ku ah caafimaadka iyo badqabka Deegaankaba.