Somaliland: Dhakhaatiir Fuliyay Barnaamijka Daawaynta Xoolaha

0
368

Hargaysa (HP): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga JSL ayaa u mahad celiyay dhakhaatiir dalka ka fuliyay barnaamijka daawaynta iyo nafaqaynta xoolaha.

Kooxahan dhakhaatiirta ah oo ay wasaaradda Xaananadda xooluhu u kala dirtay goboladda, iyo degmooyinka dalka ayaa soo fuliyay barnaamij daawaynta xoolaha ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga JSL Maxamuud Jaamac Warfaa, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay hanaankii uu mashruucaasi u fulay, isagoona dhakhaatiirtii fuliyay ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay hawshaasi uga soo baxeen.

Sidoo kale Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa bulshadda xoolo dhaqatadda ah ku amaanay sidii wanaagsanayd ee ay dhakhaatiirta u soo dhaweeyeen.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Wasiir Ku-xigeenka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here