Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo ka digay qorshe uu damacsan-yahay Xasan Sheekh

0
1388

Muqdisho (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, ayaa ka digay in isku day muddo kororsi oo ay ku eedeeyeen inuu madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayay ku yidhaahdeen “Waxaana markii labaad la dhaafay jadwalkii loo asteeyay qabashada doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo dowlad goboleedyada, taas oo caddayn u ah in aanu madaxweynuhu dalka u wadin doorasho qof iyo cod ah.”

Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha Villa Soomaaliya, ayaa Xasan Sheekh uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale, waxa ay ku eedeeyeen Xasan Sheekh inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya.

“Waxaan si adag u diiddannahay muddo kordhinta uu madaxweynuhu ku qasbayo madaxda dowlad-goboleedyada ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga beddelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15-ka May 2026.”

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, ayaa maalmihii dhowaa ku shirsanaa Muqdisho, balse waxaa maanta dib ugu laabtay Kismaayo madaxweynaha Jublanad Axmed Maxamed Islaam, iyada oo wararku sheegayaan in shirka uu ka baxay iyada oo aan la isku raacin qodobadii laga dooday.

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ka jawaabin eedda cusub ee mucaaradka, balse waxay hore u beenisay inuu jiro qorshe muddo kordhin, waxayna ku adkeysatay in madaxweynaha ay ka go’an tahay doorasho qof iyo cod ah, oo shacabka dib loogu celinayo go’aanka ayaahooda.

Balse mucaaradka, ayaa ku eedeeyey Xasan Sheekh in sheegashada doorasho qof iyo cod ah ay tahay isku day wakhtiga lagu dheereysanayo, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa,” ayaa lagu yidhi bayaanka ay soo saareen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxay sheegeen in ay bogaadinayan mowqifka Madaxweynaha Jubbaland “ee ah in aaney doorashooyinka madaxda dowlad-goboleedyadu dhaafin inta ka hadhsan sannadkan, si aaney sharciyad laʼaan u sii joogin xukunka, looguna diyaargaroobo doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha ee 2026.”

Shirka golaha Wadatashiga Soomaaliya, ayaan weli laga soo saarin wax war ah, waxaana weli Muqdisho ku sugan madaxda dowlad goboleedyada ee hore ugu sugnaa shirka, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ku laabtay Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here