Sirdoonka Somalialnd oo xidhay Dhallinyaro Hubeysan oo ku lebisnaa calanka Kulmiye

0
2371

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa shaacisay inay qabteen oo xabsiga u taxaabeen Dhalinyaradii hubeysnayd ee ku labbisnaa calanka Kulmiye kana soo dhex muuqday ololihii doorashada ee Kulmiye.

Hay’adda sirdoonka Somalialnd, ayaa waxaa ay sheegtay in dhalinyaradaasi oo Afar ahaa in la horgeyn doono maxkamadda Ciidamada.

Sidoo kale, ciidamada Booliska ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee la socday dhalinyaradaasi.

Hay’adda sirdoonku waxa ay sidaasi ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter) waxaanu u dhigna sidan.

“NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye ee habeenimadii 28kii bishan. Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here