Shirweynaha 3aad ee guddiyada Shareecada Baananka Iyo Hay’addaha Maaliyadeed ee Somaliland + SAWIRRO

0
212

Hargeysa,(HargeisaPress) – Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Hargaysa ka Daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Guddiyada Shareecadda Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka, kaasi oo lagu gorfaynayay arrimaha Muraabaxada.

Shirwaynaha waxa ka soo qayb galay Masuuliyiinta ugu sareeya Baanka dhexe ee Somaliland, madaxda Baananka gaarka loo leeyahay, Culimada dalka iyo marti sharaf ka socotay dalalka Jabuuti iyo dawlad deegaanka Itoobiya.

Baanka dhexe oo ah hagaha Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka oo ka jawaabaya bulshada baahiyaha shacabka ee Muraabaxada oo siyaabo kala duwan looga hadlay,ayaa shirkan u qorsheeyay in Culimada dalku ay turxaan saaraan isticmaalka Muraabaxada iyo tuhunada ku gadaaman.

Gudoomiyaha Baanka dhexe, gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha guud oo shirwaynaha ka hadlaya ayaa muujiyay kaalinta culimada ee waafajinta shareecadda ee arrimaha Maaliyadda dalka, sidoo kale waxa ay qeexeen in hannaanka maaliyadeed ee dalku uu yahay mid boqolkiiba boqol Muslim ah.

Culimada kala duwan ee Somaliland, masuuliyiinta Baananka iyo guddida sare ee Baanka dhexe ayaa si waafi ah uga hadlay Muraabaxa, isticmaalkeeda iyo waxa ay diinta Islaamku ka qabto.

Gudoomiye ku xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Xamse Cabdiraxmaan Kheyre oo furay Shirweynaha guddiyada shareecada Baananka iyo Hay’adaha maaliyadeed ee dalka, ayaa qeexay in guddiyada shareecadu ay kaalin muhiim ah ugu jiraan dhinaca Maaliyadda.

Wuxu yidhi “Guddiyada Shareecadu waa Tiir wayn oo ka mid ah cariyaynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here