Shirweynaha 2aad ee Cimilada Afrika oo si rasmi ah uga furmay Addis Ababa

0
281

Shirweynihii labaad ee Cimilada Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee magaalada Addis Ababa, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madax sare oo ka kala yimid dalalka Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa ka mid ah madaxda ugu sarreysa ee goob-joogga ka ah shirka. Sidoo kale, waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamed Cali Yuusuf, iyo Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, iyo masuuliyiin kale oo ka socda hay’ado kala duwan.

Shirkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Afrika ay door firfircoon uga qaadan lahayd xal u helidda isbedelka cimilada, iyadoo la adeegsanayo maalgelin la xidhiidha horumarka cagaaran.

Mawduucyada ugu miisaanka culus Shirka ee lagu faaqid doono ayaa ah Dardar-gelinta Xalalka Cimilada Caalamiga ah iyo taageeridda Horumarka Cagaaran ee Afrika iyada oo loo marayo Maalgelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here