Shirkii ururka dowladaha hoose ee Somaliland oo la soo gabogabeeyey

0
1032

Boorama (Hargeisa Press)- Ururka dowladdaha hoose Somaliland ee ALGASL oo kaashanaya hay’adda caalamiga ah ee VNG International Mashruuca DANWADAAG, ayaa soo gabagabeeyey shirkii sanadlaha ahaa ee dowladaha hoose ee maareynta khataraha masiibooyinka.

Shirka oo labo maalmood ka socday magaalada Boorama, ayaa sanadkan waxaa ka qayb qaadanayay Maayarada magaalayooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Gabiley Saylac, Sallaxlay, Balligubadle, Baki , Oodwayne iyo Lughaya.

Shirkan,  ayaa waxa diiradda lagu saarayey doorka dowladaha hoose ee kor u qaadista maareynta khataraha masiibooyinka, sida; ka hortagga iyo u diyaargarowga halisaha ka dhasha isbeddelka cimilada, si loo dhiso bulsho adkaysi leh.

Korintaanka maagaalooyinka ee xawliga ku socda iyo isbeddelka cimilada, ayaa sababa khataro tiro badan oo soo noqnoqda kuwaas oo u baahan qorshe midaysan oo lagu waajaho si loo yareeyo waxyeelooyinka ku iman kara dad iyo duunyaba.

Shirka dowladaha hoose ee Maareynta Khataraha Masiibooyinku waa gole ay dowlahaha hoose ee dalku isku weydaarsadaan khibradaha iyo waayo-aragnimada la xidhiidha habraaca maareynta khataraha masiibooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here