Shirkii hal-abuurka ganacsiyada Somaliland oo la soo gabagabeeyay

0
616

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaaimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland, ayaa soo xidhay kulan aqoon korodhsiga Tabobarka Tabobaraasha ah oo ku saabsan hal-abuurka ganacsiyada.

Aqoon korodhsigan oo socday muddo 5 maalmood ah waxaa loo qabtay baraayaasha kala duwan ee jaamacadaha dalka si loogu dhiso aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaarmaanka u ah hagista dhalinyarada hal abuurka ganacsi leh ee ka faa iidaysan doona maalgalinta Sanduuqa Dhalinyaradda Somaliland.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Dhalinyaradda Khadar Ibraahim, ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay ka go’naanshaha iyo inay xil weyn ay iska saareen Barayaashani Tababarkan.

Agaasimaha Machadka Dawladaha Hoose IID Muuse Muxumed, ayaa isna geestiisa sheegay in Xaruntani ay Tababarka ku qaadanayaan ay u furan tahay Tabarada Dhallinyarta kor loogu soo qaadayo

Geesta kale, waxa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah baraayaashii Tababarkan ka faa’iidaystay

Gabo-gobadii waxa halkaasi lagu guddoonsiiyey shahaadooyin kasoo qayb galayaashii kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here