Shirkii Gollaha Wasiirrada Somaliland oo lagaga hadlay amniga, dhaqaalaha iyo abaaraha

0
1627

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii 28-aad ee Shirka Gollaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray, isla-markaana lagaga hadlay xaaladdaha amniga, dhaqaalaha iyo abaaraha.

Shirkan Gollaha Wasiirrada, ayaa waxaa Shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isagoona uu ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL  Maxamed Cali Aw Cabdi.

Af-hayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa kulanka kaddib soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay arrimaha lagu faaqiday, wuxuuna sheegay in Qodobbada maanta lagaga wadahadlay Fadhigii 28-aad ay ka mid ahaayeen.

𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Gollaha u sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada.

𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚l𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Cabdillaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu sheegay in dedaal badan oo ay Wasaaraddu gelisay kaddib, ay
hawlaha ururinta Qaranku u socdaan sidii loogu talo galay. Wasiirku waxa uu Gollaha u sheegay xagga Maareynta iyo Maamulka Deeqaha Dibedda, Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa wanaajinta xidhiidhka Qaadhaan Bixiyayaasha, waxa ay xoojisay aqoonta shaqaallaha Xafiiska Xisaabaadka Deeqaha Dibedda (External Assistance Fiduciary Section).

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu ku guulaystay xoojinta xidhiidhka iyo la-macaamilka Baanka Adduunka. Sidoo kale, Wasaaraddu waxa ay diyaarisay Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda 2026-ka iyo dhammaan warbixinaha saldhigga u ah diyaarinteeda.

𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚:

Waxa ka war bixiyay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abbaarraha  Maxamed Cali Aw Cabdi, isa isaga oo sheegay in guddi ahaan ay maanta yeesheen kulankii 1-aad. Kulankaasi waxa ay Guddida Heer Qaran kaga arrinsanayeen isku-dubbaridka iyo gaadhsiinta gargaarka deg-degga ah sida biyaha, cuntada, iyo daawooyinka bulshada reer Somaliland ee Abaarraha ku tabaaloobay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxa kale oo uu Gollaha u sheegay in kulankaasi Xubnaha Guddida ay kaga wada hadleen dhammaystirka qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, samaynta guddiyada Gurmadka Abbaarraha ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobollada dalka oo dhan, iyo la socodka xogaha maalinlaha ah ee xaaladaha Abaarraha dalka oo dhan.

Guddidu waxaa ay baaq iyo qaylo-dhaanba Beesha Caalamka, UN-ta iyo Waddammada saaxiibka la ah Somaliland.

𝟒. 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 (𝐋𝐞𝐠𝐚𝐥 𝐀𝐢𝐝) (𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝):

Waxa si wadajir ah uga war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Cali Baashe Maxamed.

Wasiir Yoonis waxa uu Gollaha u sheegay in Qabyo-Qoraalka Mashruucan ay Wasaaraddu gelisay dedaal baddan, maadaama uu kor u qaadayo helitaanka Caddaaladda ee muwaadiniinta.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Adeegga Kaalmo Sharci uu ka mid yahay ballanqaadyadii ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad u samaysay shacabka JSL xilligii olollaha.

Wasiirka Caddaaladdu waxa uu sheegay in Xeerkan ay saldhig u yihiin Mabaadii’da shanta ah ee kala ah:

1. Shareecada Islaamka.

2. Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobkiisa 28aad, farqaddiisa 3-aad.

3. Heshiisyada Caalamiga ah ee daryeelka sharci ee dadka nugul.

4. Ilaalinta iyo Dhawridda Xuquuqda Bini’aadamka.

5. Ixtiraamka iyo ku dhaqanka Sharciga.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu Xubnaha Gollaha Wasiirrada faray in Wasaarad walba ay soo gudbiso waxqabadkeedii 6-dii bilood ee ina dhaafay, isaga oo Madaxweynuhu Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ku bogaadiyey soo gudbinta waxqabadkeedii 6-da bilood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here