Hargeysa,(HargeisaPress) –Waxa sharaf weyn noo ah in shirkad ahaan aanu ka qaybgalno Shirka Caalamiga ah ee Tiknoolajiga (MWC GSMA 2025), kaas oo ka qabsoomay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali, shirkaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka ay ku midaysan yihiin adeegyada tiknoolajiga ku shaqeeya taleefannada ee magacooda loo soo gaabiyo GSMA oo kaashanaaya Wasaaradda tiknoolajiyada ee Rwanda. Shirkan oo ah ka ugu weyn ee lagu falanqeeyo isbeddellada iyo mustaqbalka tiknoolajiga ee qaaradda Afrika, waxa isugu yimid hoggaamiyeyaasha shirkadaha isgaadhsiinta, hal-abuurayaasha tiknoolajiga iyo hay’adaha ka shaqeeya dejinta siyaasadaha arrimaha tiknoolajiga, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday sidii loo dardargelin lahaa is-beddelka tiknoolajiga casriga ah ee Afrika.
Shirkadda Telesom ayaa ahayd shirkadaha kooban madasha ku lahaa hadal jeedinta. Eng. Cali Cumar Bosir oo ah Madaxa Xafiiska Cilmi-Baadhista iyo Hal-Abuurka Telesom Group ayaa ka warbixiyay sida ay shirkadda ay Telesom ugu heelantahay ka qayb qaadashada geeddiga tiknoolajiga casriga ah, waxa uu xusay doorka ay shirkadaha isgaadhsiintu ka qaadan karaan ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo gudbinta digniinaha xilliga hore, iyo adeegsiga garaadka macmalka ah ama AI ama oo ah tiknoolajiyadda ugu xiisaha badan, islamarkaana wakhti xaadirkan ah aagga sida weyn loogu tartamayo guud ahaan tiknoolajiga caalamka.
Telesom oo kaalin firfircoon ku lahayd doodaha kala duwan ee shirka ayaa sidoo kale soo bandhigtay doorkeeda hindasaha la doonayo in loo guuro tiknoolajiyadda ilaalinaysa deegaanka islamarkaana yaraynaysa qiiqa hawada, taasi oo mustaqbalka la hirgelin doono nidaamyo lagu cabbiro dikhawga hawada, si badbaadinta deegaanku u noqto laf dhabar. Waxaana xusid mudan in Telesom ay qaadday jidka lagu gaadhayo hindisahan, iyada guud ahaan waddanka gaadhsiisay shabkada isgaadhsiinta casriga ah. Sidoo kale adeegyada IOT iyo ZAAD ayaa ah kuwo kaalin la taaban karo ka geysanaya kaabayaasha la doonayo in lagu xaqiijiyo horumarkan, islamarkaana ay Soomaliland u noqon lahayd dalalka Afrika ee hormuudka u ah fulintiisa.
Shirkan MWC 2025 waxa diiradda lagu saaray horumarinta qaaradda Afrika iyada oo la eegayo doorka tiknoolajiga casriga ah. Waxa lagaga hadlay sida isku xidhka adeegyada taleefannadu ayu kobcin lahaayeen horumarka dhaqaale iyo bulsho, saamaynta iyo fursadaha tiknoolajiga casirga ah ee (AI), hal-abuurka cusub ee isku dhafka tignoolajiyadda iyo maaliyadda (Fintech)
Gabagabadii, ka-qaybgalka Telesom ee MWC 2025 wuxuu mar kale caddayn u yahay sida shirkadda ay uga go’antahay horumarinta bulshada, iyo la jaanqaadka isbeddellada tiknoolajiydda caalamka.























