Shirkadda Somcable oo si weyn uga qayb-qaadatay bandhigga carwada Maalgashiga Somaliland

0
1424

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda Somcable oo ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ee dalka, ayaa maanta si weyn uga qayb gashay bandhigga Carwada Maalgashiga iyo wax soo saarka Warshadaha Somaliland oo maanta ka furmay magaaladda Hargeysa.

Shirkadda Somcable oo ka dhex muuqatay bandhigga carwada Maalgashiga, ayaa soo bandhigtay adeegyadeeda kala duwan shirkadda.

Cabdirisaaq Xasan Rakuub oo ka mid masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda Somcable, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay adeegyada kala duwan ee ay shirkaddu  ku soo bandhigtay Carwada Maalgashiga ee ay macamiisheeda ugu talo gashay.

Wuxuuna sheegay in carwada ay ku soo bandhigayaan adeegyada kala duwan ee ay shirkaddu ku soo kordhisay dalka ee ay ka midka yihiin Tignoolajiyada, Sibidhka,  Shidaalka iyo adeegyo kale.

Shirkadda MSG Group, ayuu tilmaamay inay tahay shirkadda samaysay maalgaashiga ugu weyn dalka ee muwaadin leeyahay.

Wuxaa kale oo uu sheegay in shirkadda MSG GROUP ay tahay shirkadda ugu weyn dalka Somaliland ee shaqo abuurka samaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here