Berbera,(HargeisaPress) – Maareeyaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil group Abdirashid Duale ayaa ka qayb galay Munaasibad ay Shirkadda Horn Petroleum ay maanta dekedda berbera ku keentay shixnad shidaal oo lagu shubay Haamaha East Africa Storage Terminal, labadda shirkadood oo ka tirsan Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa guul muhiim ah usoo hoysay dekaddan istaaatiijiga ah.
Markabkan oo sida ku dhowaad 50,000 mitir kuyuub oo shidaal ah ayaa lagu wadaa inuu daboolo baahida shidaalka ee gudaha iyo gobolkan geeska Africa, isla markaana uu xoojiyo kaalinta Berbera ee xarunta ganacsi ee istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
.

















