Tog-Wajaale (Hargeisa Press): Shirkadda caalamiga ah ee Hass Petroleum ayaa maanta xarun cusub ka furatay magaalo ganacsiyeedka Tog-wajaale ee gobolka Gabiley.
Shirkadda Hass Petroleum oo ka shaqaysa arrimaha shiidaalka noocyadiisa kala duwan, Gaasta, iyo saliidaha ayaa ka hawl gasha dalalka Bariga Afrika.
Xaruntan cusub ee ay Hass Petroleum ka furatay Wajaale ayaa noqonaysa mid laga heli karo dhamaanba addeegyadda ay shirkadu bixiso.
Xaflad loo sameeyay xadhig ka jarka xaruntaasi waxaa ka qayb halay maareeyaha guud ee shirkadda Hass Mr. Mahad Cabdi Cali, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan shirkadaasi.
Mahad Cabdi Cali, maareeyaha guud ee shirkadda Hass, ka hadlay furitaanka xarunta cusub ayaa ugu bushaareeyay bulsho weynta reer Wajaale in ay xaruntaasi ka heli karaan dhamaanba addeegyadda ay i baahan yihiin.
Warkaasina waxaa lagu yidhi, “Waxaanu maanta xafiis cusub ka daah-furtay magaala ganacsiyeedka Tog-wajaale. Xafiiskan ayaa ah mid bulshadu ka heli karaan dhamaan adeegyada Gaasta & Saliidaha.
Shirkadu waxay u mahad celinaysaa sidoo kalena soo dhaweynaysaa macaamiisha cusub ee reer wajaale”.
Maareeyaha guud ee shirkadda Hass Petroleum Mahad Cabdi Cali, waxa kaloo uu sheegay in ay Wajaale keeneen labo adeeg oo markii hore magaalada ka maqnaa, kuwaas oo kala ah mid gaadiidku u baahan yahay iyo mid qoysku u baahan yahay cunto.
Faa’iidada ay dadka ku nool magaalada Wajaale ka helaan adeegyada shirkadda Hass petroleum, waxa uu sheegay in ay tahay shidaal tayaysan oo macmiilku ku tiirsan yahay.
Geesta kale, Gaaska Raashinka ee Shirkadda Hass dalka keentay shan sanno ka hor, waxa uu sheegay inay ku soo kordhisay shan nooc oo cusub, taasina ay tahay sababta ay bulshadu u aqbashay una soo dhaweeyeen.
Ma lahan khatar qarax, mana laha tabashada ugu weyn ee bulshada, waana fursad shaqo abuur cusub.
Dhinaca kale masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Wajaale oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay adeegyadan cusub.
Waxaanay balan qaadeen inay ka faa’iidaysan doonaan.
Xaruntan cusub ee shirkadda Hass ayaa la filayaa inay u adeegto bulshada ku dhaqan magaalada ganacsiga ee Wajaale iyo bulshada ku dhaqan dalka Itoobiya.
Wixii faahfaahin ah waxaad kala xidhiidhi kartaan :-
0653555536/0633900353/0633900326