Shirkadda Daabacaada Xayeysiiska Ee SAGALJET Oo Wacdaro Ka Dhigtay Carwada Bandhiga Buugaagta Ee Ka Socota Caasimadda Hargeysa + SAWIRRO

0
2289

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkada daabacaada xayeysiisyada ee Sagaljet ayaa si weyn uga qayb gashay carwada buugaagta ee ka soocota magaalada Hargeysa.

 

Buugaagta ay shirkada Sagaljet daabacday ayaa si weyn loogu soo bandhigay carwada buugaagta ee ka soocta magaalada Hargeysa, kuwaas oo dadkuna ay aad u iibsanayaan.

IMG_4C8E25

Buugaagta ay daabacday shirkada Sagaljet ee lagu soo bandhigay carwada buugaagta somaliland ayaa waxa ka mid ah Buuga Duca Qabe oo laga qoray Madaxweynihii hore ee somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal kaas oo uu qoray Xasan Cabdi Madar, buuga Bad Maacaan oo lagu ururiyey suugaanta Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi(Xasan ganay), buuga Diiwaanka Siinley oo lagu ururiyey maansooyiinkii caan baxay ee silsilad suugaaneedii Siinlay kaas oo uu qoray Yuusuf Cabdile Cismaan Shaacir iyo buugaag kale oo so weyn uga dhex muuqday carwada bandhiga buugaagta ee ka socota magaalada Hargeysa.

IMG_4471F2

Shirkada Daabacaada Xayeysiiska casriga ah ee Sagal-Jet oo ah Shirkadii ugu horeysay ee Somaliland soo gaadhsiisa Xayeysiisyada Boodhadhka Shirkadaha, iyo meheredaha kala duduwan ee Ganacsiga,Ururada iyo Xafiisyada ayaa qeyb, ka noqotay talaabooyinka ay Somaliland ka hurumar sanaatey dalal badan oo kuyaala Qaarada Afrika.

IMG_7F9FDF

Shirkada Sagal-Jet ee daabacaada Xayeysiiska casriga ah oo ah Shirkadii ugu horeysay ee Somaliland ka hirgalisay daabacaada Xayeysiiska casriga ah islamarkaana, kusoo kordhisay daabacaada xayeysiiska noocyo cusub oo casri ah ayaa, sumcad badan ka kasoo hoysay dhinacyada bilicda caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyadoo xiligana soo kordhisay adeegyo dhinaca daabacaada ah oo qiimaheedu aad u jaban yahey, oo ay dadweynuhu ku xayeysiiyaan Ganacsigooda iyo calaamadaha astaanta u ah guud ahaanba boodhadhkooda sumada u ah Shirkadaha iyo qeybaha kala duduwan ee Meheredaha waawaeyn.

IMG_878637

IMG_A38B2B

IMG_A8561B

IMG_B09492-

IMG_60CF15

IMG_F01FC8

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here