Shirka Guddiga Farsamo Ee Mashruuca Maamul-daadejinta JPLG oo Ka Furmay Boorama

0
802

Boorama (Hargeisa Press) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Boorama ka furay Shirka Guddiga Farsamada ee Mashruuca Maamul Daadejinta ee JPLG.

Shirkan oo 45-kii cishaba mar la isugu yimaado, ayaa waxaa ka qayb galay Maayarada dalka iyo Wasaaraddaha qaybta ka ah Guddiga Farsamo iyo Mashruuca Maamul Daadejinta Dowladdaha Hoose ee JPLG, sida Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Horrumarinta Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Arrimaha Gudaha oo ah guddoonka Guddiga Farsamo.

Kulankan, ayaa waxaa diirada lagu saarayaa muddada uu socdo Maamul Daadejinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidii adeegyada aas-aasiga ah loo gaadhsiin lahaa Bulshada.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho, ayaa waxaa ka soo bixi doona go’aamo lagu Daadejinayo Mashruuca JPLG iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaad, Waxbarashada iyo Biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here