Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug Oo Beri Ka Furmaya Dhuusamareeb

0
491

Dhuusamareeb (Hargeisa Press.com): Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa la filayaa in uu berito ka furmo magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Halka isla beri la filayo in  lagu soo gebagabeeyo magaaladda Habyo shir kale oo lagaga arrinsanayay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Waxaana si weyn looga dareemayaa magaaladda Dhuusamareeb diyaar garowga iyo dhaq dhaqaaqyo la xidhiidha shirkaasi.

Galmudug waxaa mudooyinkan ka taagnaa is jiid jiid siyaasadeed oo u dhexeeyay maamaul goboleedka iyo dawladda federaalka Soomaaliya, kaasoo curyaamiyay hawlihii maamulka Galmudug.

Todobaadkan waxaa la sheegay in ay magaaladda Muqdisho ku kulmeen  xildhibaano ka soo jeedda degaamadda Galmudug iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Inkastoo aan faahfaahin laga bixin kulamadaasi hadana waxaa la sheegay in ay ku kala aragti duwanaayeen xaaladda Galmudug.

Ra’iisal wasaare Khayre, ayaa soo gaadhay magaaladda Dhuusamareeb oo haatan ku sugan yahay.

Magaaladda Habyo waxaa ka dhacay kulan bilaabmay badhtamihii bishii July, kulankaasoo ku bilaabmay Jifo ka mida qabaa’ilka halkaa dega.

Laakiin, markii danbe waxa uu u xuub-siibtay ama uu galay weji kale oo ah inuu yeeshay weji siyaasadeed.

Iyadoo ay tegeen shirkaasi xildhibaano ka kala tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin  iyo wax garad kale oo ka soo jeedda degaamadda Galmudug.

Berito ayaa la filayaa in waxyaabo kale ay yimaadaan oo xaaladuhu ay kala cadaan doonto, isla markaana la soo gebagabeeyo shirka Hobyo ka soconaya.

Dhinaca kale isla beri waxaa magaaladda Dhuusamareeb ka bilaabmi doona shir kale oo loo balansan yahay, kaasoo lagu tilmaamay in uu yahay shir weyne dib u heshiisiineed oo lagag hadlayo aayaha dhinaca siyaasadda ee Galmudug.

Waxaana Dhuusamareeb ku sugan ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, iyo sidoo kale  guddi dib u heshiisiineed iyo guddiga doorashooyinka, iyadoo si fiican loo guddo geli doono arrimaha siyaasadda.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa la sheegay in uu la kulmay madaxda ururka Ehelu suna Wal Jameeca, oo todobaadkii hore ay is khilaafeen iyaga iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Kadib markii Ehelu Suna ay ku eedeeyeen dawladda federaalka in ay jebisay qodobadii ay hore ugu heshiiyeen,  hase yeeshee waxaa muuqata in hadda intii hore ay isaga soo dhawaadeen labadda dhinac.

Tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu todobaadkii hore saxaafadda la hadlay isagoona sheegay in aanay jirin meel ay ku jabiyeen heshiiskii ay la galeen Ehelu Suna.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga war sugayaa waxa uu ku soo dhamaado shirk aka socda Habyo iyo sida uu ku furmo shirka dib u heshiisiinta ee isna beri ka furmaya Dhuusamareeb iyo wejiga cusub ee siyaasadeed ay Galmudug qaadi doonto.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here