Djibouti (Hargeisa Press) — Shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ayaa goor-dhowayd ka furmay magaalada Jabuuti.
Shirka waxaa furay Ra’iisal Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk oo ah Guddoomiyaha sannadkan ee madaxda urur goboleedka IGAD.
Cabdalla Xamduuk ayaa ka hadlay arrimaha horyaalla urur goboleedka oo ay ka mid yihiin iskaashiga, Abaaraha iyo la dagaalanka Ayaxa.
Ka hor furitaanka shirka ayaa kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan.
Sidoo kale, waxaa kulan afar-geesood ah yeeshay madaxda Itoobiya, Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Yuganda Yoweri Musaveni ayaa waxaa la sheegay in aanu weli soo gaadhin dalka Jabuuti.
Madaxda ayaa la filayaa inay ka hadlaan xaaladda u dhaxaysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, Itoobiya iyo Suudaan iyo qodobo kale.