Hargeysa(HargeisaPress) – “Muddo badan ayaan kusoo dhex jiray Wasaaradda, xilal kala duwan ayaan kasoo qabtay, Waaxaha Dakhliga ee Kastamada iyo C/Berriga agaasime ayaan ka soo noqday, Waaxda Maamulka iyo Lacagta Agaasime-Xigeen ayaan kasoo noqday, waxa aan intaaba ka hor soo noqday maamule heer degmo iyo xisaabiyaha Wasaaradda.
Wasiiradii Wasaaradda soo maray laga soo bilaabo AHUN Maxamed Xaashi Cilmi ilaa laga soo gaadho Dr. Sacad oo dhawaan xilka ka tagay intuba wey i magacaabeen, oo ma ihi nin Wasaaradda ku cusube waxaan ah nin shaqaalaha ka mid ah”.
“Dhamaan shaqalaahana waanu soo wada shaqaynay, waxa aan ballan qaadayaa in aan idiinla shaqayn doono si xil-kasnimo iyo dulqaad le, oo daacadnimo leh”.
“Ma ihi shaqsi ku cusub Wasaaradda, waxaan ku soo dhex jiray mudo 14 sano ah, waxa aan mudadaa soo qabtay xilal iyo masuuliyaddo kala duduwan, waxaan ahay qof si weyn u fahansan waajibaadka iyo xilka la ii igmaday, waxaanan dareensanahay muhiimada iyo kaalinta ay Qaranka uugu jirto Wasaaraddu”.Md. Maxamed Xasan Saleebaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Dhaqaalaha JSL.