Shacabka reer Somaliland waxaan jeclahey in aan la wadaago. Qadiyadda_E_Visa. Wasaraddu wey ka howl gashey. Weyna dhamaaneysa degdeg

0
164

Madaxda wasaradda waan wareystey wey howl galeen. Balse marwalba ha moogaanina in Villa wardhiigley isleedahey cadaadis ku saara dadkena

Waxaaneyse ogeyn dadka Somaliland iney soo mareen waqtiyo ka adag maanta. Nasiib xumo markii diyaradda daalo (Colaad) keeney. 1991

Xamar aan amaan aheyn buu ku dhiiradey si u shacabka Somalida ugu hiiliyo. Hadaan daalo jirin oo xamar tageyn qof kama baxeen. Amaana mey aheyn. Wuuse ku dhiiraddey isago ka fekeraya waa dad soomaaliyeed oo dhibaato iyo colaad ku jira

Iyaguna caqligooda maanta waxey isleeyahiin colaadiya oo cadadiya shacabka Somaliland. Miyaaney ogeyn ineynu hadeynu doono keeni karto diyaarad eynu inagu leenahey oo shacabkeena dalka keeni karta oo caalamku is bedeley wagaas colaad xamar ka dejineynayey
(Risk) bey aheyd (insurance flight) Djabuti buu uga sameyey. Waayo diyaradda midowga soviet baa lahaa ( insurance qaali buu ahaa)

Hadaba waxaad ogataan mesha dhibtu taala waa shaqalaha fly Dubai markey system eegaan iney arkayaan E-Visa. Markaa waa la xalinaya waa qadiyadd ku saabsan nolosheena meel adag beynu iska taageyna.

Flight ✈️ Dubia iyada dan inagu qabta iney shacabkeena ka ganacsato iyo iney marto hawadeena. Markaa waa la xalinaya. Waxii intaas dheer khubradda iga aqoonta badan ee JSL u dhashsy baan u dhaadaya ee waasaradda jooga

Markaa waxaan idinku soo kobaya si cilmiyeysan oo ku dhisan habqadhan dowladnimo iyo mid diplomasiyadeedba xukumadda wey uga howl gashey aan sugno. Xukumadeenu meel adag bey iska taagtey. Waxana socda (process) kii.

Calaamka hawaddeena iyo badeena waxa lagu jooga dowladdnimadeena iyo deganaanshaheena

Hadaan hawadda khalkhalino xamar (routeeda) flight ka degi kara ma jiro. Hawada inta badan la isticmaala waa teena. Waagii Qatar dowladaha khaliijka ey isku dhaceen hawadeena la isticmaali jirey iyo Sudan 🇸🇩.

Markaa dalkeenu bogcadd cajiibu ku yaal. Hadaan (Arbush Badow) bilowno inaga cid walba ka adag. Balse ilaa hadda waxeynu ixtiraameyna shuruucda iyo dowladnimadda

Markaa shacabku haka warsugaan Wasaradda iyo madaxdda ku howlan. Shacabkuna ha ogaadaan in nin walba oo xafiis jooga qarankeena u adeegayo

Waxaana waxa keenaya fashilka iyo maamulka cadowtinimadda la daba socda nolosha shacabka JSL. Waar cadaadis dadka reer Somaliland ku soo noqon mayaan. Intaaseynu leenayey Hasan Shiikh iyo maamulkiisa fashilmey.

Waxyar baa idinka hadhey inaad shacabka aad madhafiicda iyo diyaradda ku garaacdeen inaad ka ugaadhsataan sida magafa madaradda ey ka soo dhoofayaan. Indkoo isleh Go’doomiya. (NoWay, No How No H Shiikh) caalamku meshii ugu liidata ka bilowdeen

Flight ✈️ Dubia iyo reer Dubia Xidhiidh weyn oo gamacsi baa naga dhaxeeya dekedadi Berbera gacanta ku hayaan. Waanu fahamsiineyna in aan shacabkayagu ka doneyn E visa xamar (never)

Waa bilaahi Towfiiq
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here