Saylici oo lagu arkay fagaareyaasha ololaha mucaaradka

0
2093

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa lagu arkay fagaareyaasha kaanbaynka ee looga olloleeyo xisbiga Mucaaradka WADDANI, taas noqotay arrin si weyn saaxadda siyaasadda loogu qaadaa dhigayo saacadihii u danbeeyay.

Madaxweyne ku xigeenka oo xilligan doorashadda ee Madaxweyne Biixi u tartamayo markii labaad doorashada Madaxtooyadda, isagoo ku metelaya Xisbiga KULMIYE, ee dalka ka talinayay afar iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay waxa lagu bedelay oo ku lamaan Madaxweyne Biixi Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Marka laga yimaado muuqaalka aadka loo hadalhayo ma jirto meel ilaa hadda Madaxweyne ku xigeenku ku sheegay mawqifkiisa siyaasadeed.

Balse waxa jiray guux mudooyinkii u danbeeyay soo baxayay, iyadoo Madaxweyne ku xigeenku dhawr jeer oo hore dhaliilay waxqabadka xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ee uu ka tirsanaa, taas oo loo fasirtay inuu jiro saluug weyn.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo isugu xilka Madaxweyne ku xigeenka hayay muddo 14 sanadood oo Xisbiga KULMIYE dalka ka talinayay, ayaa hore u ahaa Madaxweyne ku xigeen xilligii Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE.

Xilligan doorashada loo diyaargaroobayo ee lagu arkay fagaarayaasha Mucaaradka ee Xisbiga WADDANI, waxay bixisay sawir siyaasadeed oo dhaawac ku ah Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda tallada haysa oo u xusul duuban inay markii saddexaad tallada dalka hoggaamiyaan shanta sanadood ee soo socda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxay u diga rogashada xilligan ee WADDANI, ka dhigaysaa Xisbiga KULMIYE, qofkii ugu danbeeyay ee ka tallaaba oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga labaatan 22 sannadood kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here