Saylac: Askari Taliyihiisii Toogasho Ku Dillay

0
478

Saylac (HP): Askari ka tirsanaa ciidamadda ilaaladda xeebaha JSL ee fadhigoodu yahay Saylac, ayaa maanta toogasho ku dilay taliyihiisii ee qaybta ciidankaasi.

Sida ay sheegayaan wararka aanu Saylac, ka helnay dilka taliyaha waxaa gaystay askarigaasi ka tirsanaa isla ciidanka uu xukumayay taliyaha la dilay.

Waxa kaloo uu warku intaa ku daray in gacanta lagu hayo askarigan dilka u gaystay taliyihiisii.

Geesta kale ninka sarkaalka ahaa ee la toogtay ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka Awdal.

Waxaana jirtay in dad ka gadooday falkaasi ayaa maanta mudaharaad ka dhigay magaaladda Boorama.

Kuwaasoo ku andacoonayay in Tiirka la geeyo oo la toogto askarigan maanta magaaladda Saylac, dilka ugu gaystay taliyihiisii.

Dadkan mudaharaadayay oo dumar, iyo dhalinyaro u badnaa ayaa maanta gelinkii danbe mudaharaadkaasi ka dhigay Boorama.

Iyadoo na dadweynahaasi mudaharaadayay ay iyagu si iskood ah ay u kala tegeen markii danbe, isla markaana aanu jirin wax boolisa oo kala dareeriyay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here