Hargeisa (Hargeisa Press)- Somaliland ayaa maanta si weyn ugu dabaal dagtay xuska sanad guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii ciidamadeeda qaranka.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka qayb-galay Xus ballaadhan oo loo sameeyey Sannad-guuradaasi, isagoona xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta taliska guud ee ciidamada.
Waxa sidoo kale Madaxweynaha ku wehlinayey munaasibadaasi, Shir-gudoonka golaha Wakiilada, Guurtida, qaar kamid ah Wasiirada xukuumadiisa, Maamulka gobolada iyo weliba qaar kamid ah Madaxweyne kuxigeenadii hore ee soo maray Somaliland.
Waxana madasha ugu horrayntii lagu soo bandhigay masraxiyad ku qotonta dedaalka iyo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan guud ahaanba Somaliland iyo horumarkeeda.
hoose ka daawo muuqaalka sawirrada Xuska Sannad-guurada 26-aad ee ciidanka qaranka
Hargeisa Press Desk/Hargeisa Press