Saraakiishii Milateriga Somaliland ee tabobarka ku-qaatay Addis Ababa oo boggaadiyay Itoobiya

0
2080

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Milateriga Somaliland ee ka qalin jebiyay kulliyada difaaca iyo dagaalka Itoobiya, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay barteen muddadii tabobarku u socday.

Saraakiishan ka tirsan Milateriga Somaliland ee tababarka ku qaatay Itoobiya oo u waramay wakaallada wararka Itoobiya ee ENA, ayaa waxaa ay sheegeen in ay muddadaasi barteen koorasyo millateri oo gaabgaaban iyo kuwo dhaadheer.

Saraakiishan Somaliland ee qalin-jebiyay, ayaa waxaa ay tilmaameen in tababarkani qayb ka yahay qorshaha Itoobiya kaga qayb-qaadanayso adkeynta xasiloonida iyo ammaanka qaarada Afrika.

Col. Axmed Caydiid Cumar oo ka tirsan saraakiisha ciidammada qaranka Somaliland ee tababarkaas dhammaystay, ayaa dowladda Itoobiya ku ammaanay fursada ay siiyeen taliska millateriga iyo kulliyada dagaalka ee dalkaasi.

Waxaanu sheegay in aqoonta uu tabobarkaas ka kasbaday uu kor ugu qaadi doono awooda millateri ee ciidammada qaranka Somaliland.

Col. Axmed Caydiid wuxuu intaas ku daray in dowladda Itoobiya tahay dal weyn oo kaalin weyn ka qaadata adkaynta ammaanka gobolka iyo la dagaalanka argagixisada.

Kuliyadda Difaaca ee Itoobiya, ayaa waxaa ka qalin jebiyay saraakiil ciidan oo ka kala socday dalalka Somaliland, Itoobiya, Kenya, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda iyo Burundi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here