Safiirka Somaliland ee Jabuuti iyo Diblumaasiyiin lafo-guray mustaqbalka Somaliland iyo Aqoonsigeeda

0
1231

Djibouti (Hargeisa Press)- Diblumaasiyiinta reer Somaliland ugu khibrada badan ee mudadabdheer ka soo shaqeyey Siyaasadda arrimaha dibada, oo u kamid yahay Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, oo mudo ka badan 20-sanno ahaa Safiir Waddamo kala duwan Somaliland uga soo ahaa iyo Diblumaasiyiin kale oo kala ah Ambassador Cawil Xuseen Ducaale, Ambassador Cabdillaahi Congo iyo Ambassador Maxamuud Cabdi Dacar, kuwasoo ah dadka faro-ku-tiriska ah ee Siyaasadda arrimaha dibada Somaliland iyo wakhtigii hore ee Soomaaliya kasoo noqday safiiro iyo Diblumaasiyiin wadamo badan, kuwasoo hadda ah Khabiiro takhakhusku ah Siyaasadda arrimaha dibada, ayaa wakhti dheer faallo iyo gorfeyn ku laffo-guray Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo jaanisyada kusoo fool leh ee aqoonsiga Maraykanka iyo weliba muhiimada ay leedahay.

Ambassador Cabdifataax iyo Diblumaasi Ambassador Cawil Cali Ducaale, ayaa si mug leh u lafo-guray mustaqbalka wanaagsan ee Somaliland kusoo fool leh, iyo filashada aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka, iyadoo u Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Trump u xilka la wareegayo 20-ka bishan, sidoo kale waxay si weyn 2 Diblumaasi u falanqeeyeen Siyaasadda geesta iyo weliba tan dunida.

Si kastaba ha ahaatee Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti iyo Ambassador Cawil Xuseen Ducaale, ayaa iyaggu mudo ku dhow 30 sanno ahaa saaxibo si weyn isaggu dhow, sidoo kalena waxay ka wada tirsanaayeen Xukuumadda hore ee Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin.

Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo isaggu laftiisu mudo 20 sano ku dhow ahaa Safiir Somaliland waddamo badan usoo matelay, isagoo guulo waaweyn oo Diblumaasiyadeed usoo hoyay dalkiisa Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here