Jabuuti (HP): Wefti masuuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga taladda dalka JSL haya ee KULMIYE ayaa maanta booqday safaaradda ay Somaliland ku leedahay magaalada Jabuuti.
Weftigan ka tirsan xisbiga KULMIYE oo booqasho ku jooga Jabuuti, waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee xisbigaasi Faysal Cabdiraxmaan Madar, iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee ee KULMIYE Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye).
Waxaana weftigani halkaas ku qaabilay Safiirka, JSL u qaabilsan Jabuuti, C/fataax Siciid Axmed, Safiir-ku-xigeenka iyo shaqaalaha safaaradda.
Iyagoo na iska waraystay shaqada baaxadda leh ee ay safaaradu u hayso muwaadiniinta iyo guud ahaan dalka Somaliland.
DAAWO: Warkaasi Qaabilaadda Safiirka Ee Masuuliyiinta Kulmiye:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.