Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wuxuu maalmo kooban ku fuliyey saddex qodob oo waaweyn, kuwaasoo lahaa culayskooda iyo go’aan qaadasho adag oo geysinimo leh, taasoo uu ku dhiiraday Madaxweynuhu.
Waana saddexdan Qodob ee hoos ku qoran:
1- Madaxweynaha Qaranku waxaa uu muddo kooban ku fuliyey balan qaadkiisii mushahar kordhinta Ciidamada kala duwan ee Qalabka sida, taasoo Madaxweynuhu ku kordhiyey Boqolkiiba koton sanadkan 2025 mushaharka Ciidamada kala duwan. Waa tallaabo geysinimo leh oo Madaxweynuhu qaaday iyadoo uu xilka la wareegay waqti dhaqaalaha Dalku kala daadsan yahay.
2- Madaxweynaha Qaranku wuxuu go’aamiyey in tiro kooban lagu sameeyo Ciidamada kala duwan si meesha looga saaro Ciidanka Caaglaha ah (Ghost Soldiers), taasoo aan horey u dhicin, balse Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa qaatay go’aankaas Ciidanka dib loogu habaynayo, iyadoo la adeegsanayo nidaam casri ah oo loo yaqaano (IRIS Biometric Registration).
3- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Caddaalad iyo Sinaan ku dhisa Xukuumaddiisa, isagoo Xilal muhiim ah oo Golaha Wasiirada ah u dhiibay qaar mid ah Beelaha Somaliland oo aan weligood Wasiir la siin, taasoo ahayd Caddaalad darro uu soo afjaray Madaxweynaha Qaranku, waxaanu saddex Wasiir oo waaweyn siiyey Saddex reer oo Somalilanders ah oo aan weligood Wasiir buuxa la siin intii Somaliland jirtey.
Go’aamadaa adag ee Madaxweynuhu qaatay ayaa muujinaysa Caddaalada Madaxweynaha iyo Hoggaamintiisa toosan.”
Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha xidhiidhka Dadwaynaha iyo Saxaafada ee Wasaarada Dawladaha hoose iyo horumarinta Magaaloyinka Somaliland.