Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Deegaanka Fara-wayne Oo Khasaare Xoogan U Gaystay Dadwayne Deggan Deegaanka Fara-wayne

0
792

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka fara-wayne oo kamida deegaanada hoos yimaada gobolka maroodi-jeex ayaa sheegaya inuu ka da’ay deegaankaasi roobab mahigana oo khasaare u gaystay guryo badan oo ay daganayeen boqolaal qoys oo kamida dadwaynaha deggan deegaankani.

 

Waxana roobkan ka da’ay deegaanka  uu dumiyay guryo badan oo  hoy u ahaa boqolaal qoys oo deegaanka daganaa iyaga oo aan haysan meel ay hoy ka dhigtana isla markana guryahoodii uu daadku galay, waxaana uu sababay inay guryahooda ka barakacaan dadwayne fara badan.

 

Gudoomiye ku xigeenka deegaanka degmada Fara-wayne oo aan la xidhiidhnay ayaa noo shegay in roob ka da’ay deegaanka uu waxyeelo u gaystay guryo badan oo ay daganayeen dadwayne deegaanka dagan,waxaana uu noo sheegay in aan dadku wakhti xaadirkan aanay haysan meel ay u hoydaan gudoomiyahu waxa kale oo  xusay in laba xildhibaan oo ka kala socda golaha guurtida Somaliland iyo golaha deegaanka caasimada hargeysa ay gurmad soo gaadhsiiyeen dadwaynahaasi waxaana uu yidhi.

 

“Guryo badan oo ay daganayeen dadwayne fara badan ayaa daadku kasoo galay oo waxyeeleeyey, waxaana u mahadnaqayaa masuuliyiin saddex cashaba iyaga oo aan kasoo wareegin ayay balan qaadkii ay balan qaadeen kaga dhabeeyeen, aad iyo aad Ayaan ugu mahadnaqayaa labada xildhibaan,cidii soo bixisayna alle waxaan u waydinaynaa inay meeshii ay kasoo sareen wax khayr qaba inay ugu badalaan, ta kale qurba joogtaa deegaanka u dhalatay waxaan leeyahay waar deegaankiina soo caaawiya”Sidaas ayuu yidh gudoomiye ku xigeenka deegaanka fara-wayne.

 

Roobabkan ka da’ay deegaankaa ay sababin wax khasaare nafeed ah marka laga reebo khasaare uu soo gadhsiiyay guryo ay daganayeen boqolaal qoys kuwaasi oo ka barakacay guryahoodii, xukumadda Somaliland Ayaan iyagu wali gurmad gaadhsiin dadwaynahaa uu waxyeeleeyey roobku isla markanaa uu barakiciyay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here