Ronaldo oo shaaciyay in uu ka fadhiisan doono ciyaaraha

0
909

Hadalladii uu xiddiga kubadda cagta Cristiano Ronaldo uu u sheegay telefshinka Portugal ee ahaa inuu kubbadda cagta ka fadhiisan doono “laba ama saddex sano gudahood” iyo in “ay u badan yahay” in ay noqon doonto halka uu ciyaaraha kag fadhiisan doono kooxda Sucuudiga ka dhisan ee Al-Nassr ayaa waxa ka dhashay falcelin badan.

Dadka qaar, ayaa ka xumaaday in “xirfaddiisa halyeynimo ee kubbadda cagta” ay sidaas ku dhammaato, isagoo u ciyaaraya koox “aan laga aqoon adduunka oo dhan” ama “naadi aan Portuguese ahayn.”

“Waan ku faraxsanahay kooxdan, waana ku faraxsanahay dalkan sidoo kale, waan ku faraxsanahay in aan ka ciyaaro Sacuudi Carabiya, waxa aan doonayaa in an ka sii ciyaaro” ayuu yidhi Ronaldo.

Waxa uu TV-ga Now TV u xaqiijiyay in uu mar kale u ciyaari doono xulka qaranka Portugal isla markaana aanu si hordhac ah u shaacin doonin kulanka ugu dambeeya ee uu u ciyaari doono xulka qarankiisa.

Waxa uu sidoo kale ka yaabiyay dadkii goobta joogay kaddib markii uu sheegay in aanu ku fikirin in uu isku dayo in uu tababare noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here