Riwaayadda indho-sarcaad ee ka socota Laascaanood waxaa metalaya Kooxda Xasan Sheekh

0
813

Laascaanood lugooyo weynaa

Riwaayadda indhosarcaad ee ka socota Laascaanood waxa metalaya Kooxda Xasan Sheekh. Xasan dhibaatada ugu wayn xiligan maaha ta Gurigiisa ka jirta iyo Kooxda AS oo faro baas ku haysa inta badan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexena ka talisa.

Xalay oo ugu dambaysay ayaa duqaymo cirka ah lala beegsaday goobo ka mid ah Gobolka Hiiraan Oo AS lagu bartilmaameedsaday

Sayidkii Daraawiish ayaa laga hayay “INA ABOWENA MA ISUGAYAY”. Hadday joogtaa oo Xasan Sheekh ay ka soo hadhay “SICIID DANINA MA I SUGAYAA!”. Hadii Alleh yidhaa kaldambe waxa muddaysan Doorashadii Somalia.

Xasan Sheekh waxa lagu hor sugayaa Teendhadii Lagu Doortay. Markaa Wuu Og Yahay In lagu hoos gawracayo, Isaguna wuu ka warwareegayaa indhahana ma soo siin karo. Tawaawiciisa ku lahaa “Walaalayaalow iga daaya Teendhada Doorasho hal qof iyo hal cod ah baan qabanayaaye” Oo yaa isla Ogol?

Oo ma waxad moodaysaa in teendhada yu uga baqayo Siyaasiyiinta Muqdisho fadhiya ee Hawiye. Kuwaa iyaga waxba iskagama tiriyo. Ninku nin keliya ayuu lafihiisa uga baqdaa oo laf dhuun gashay ku ah. Kaasina Waa Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani.

Xasan Sheekh waxa uu ka wadwado Laascaanood cid kale ma khuseeyo Somalilandna looma jeedo oo laba sanadoodba Laascaanood gacan ugumay jirin. Laascaanood shir ma jiro eh waa shirqool Ninka jarta loo maleegayaana waa aarka saynta leh ee Xasan Sheekh kursigiisa uga Baqay, Waa Siciid Dani eh.

W/Q: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here