Raysal Wasaaraha Itoobiya oo qoraal digniin ah u diray Madaxda Jabuuti

0
3486

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed, ayaa waxaa uu digniin culus u diray madaxda dowladda Jabuuti ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Abiy Axmed, ayaa madaxda waddanka Jabuuti uga digay inay si degdeg ah faraha ugala baxaan qorsheyaasha ay wadaan ee ay damac sanyihiin inay ku carqaladeeyaan heshiiska isfaham ee ay kala saxeexdeen dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraalkan digniinta ah ee uu Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed u diray madaxda Jabuuti, ayaan warbaahinta lala wadaagin.

Abiy Axmed, ayaa ugu hanjabay Madaxweynaha Jabuuti iyo maamulkiisa, haddii aanay ka joogsan doc-ka-wareenka ay ku hayaan heshiiska dalkiisu la galay Somaliland, in Itoobiya gebi ahaanba joojin doonto ganacsiga uga soo dega dekedda Jabuuti, isla-markaana u wareegi doonaan dekedaha dalalka deriska ah.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa hore u cadeeyay in aanay dowladiisu ka laaban doonin heshiiskii isfahan ee ay la saxeexatay Somaliland, isagoona sheegay in hadafka Itoobiya yahay in labada dalba Somaliland iyo Itoobiya wada faa’iidaan oo aanu dhinacna waxyeello iyo khasaare u yeellan doonin heshiiska is-fahan.

Hase ahaatee, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo maamulkiisa, ayaa waxaa ay si toos ah u caddaysteen cadaawadda iyo colaadda gaammurtay ee ay u qabaan Somaliland, kadib markii uu martiqaad u fidiyey hoggaamiyaha jabhadda la baxday SSC-Khaatumo.

Bishan July gudaheeda oo keliya waa markii labaad ee uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku martigeliyo dalkiisa jabhado iyo shaqsiyaad khatar ku ah xasilloonida Somaliland.

Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu 30-kii sannadood ee la soo dhaafay juhdi weyn oo aan kala joogsi lahayn oo uu ku wiiqayo dedaallada siyaasad iyo dhaqaale geliyay dagaalka uu ku hayo Somaliland, isagoo werwer iyo cabsi xooggan ka qaba haddii Somaliland aqoonsi hesho in taasi siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba liicin doonto dalkiisa oo haatan saldhigyo dani-ku-badday u ah quwadaha waaweyn ee adduunka.

HargeisaPress News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here