Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo daah-furay dhismaha aagga dhaqaalaha ee Addis Ababa

0
1032

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa waxaa uu maanta daah-furay dhismaha Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Addis Ababa.

Munaasabadan lagu daah furayay dhismaha Aaga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Addis Tomorrow, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, Maayarka Caasimadda Addis Ababa Adanech Abiebie, iyo mas’uuliyiin kale iyo marti sharaf lagu casuumay.

“Maadaama ay shaqadu tahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo riyooyinkeena, siyaasadeena kaliya ayaa ah mid u heellan inaan shaqeyno,” Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa sidan ku qoray boggiisa X, ka dib markii uu furay dhismaha aagga cusub ee dhaqaalaha ee caasimadda Itoobiya.

 

“Sidaa darteed, waxaan bilownay dhismaha Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Berrito Addis, kaasoo muujin doona aragtida mustaqbalka ee magaaladeena,” ayuu raaciyay.

Dhankeeda, Maayarka magaalada Addis Ababa, Adanech Abiebie oo qoraal soo dhigtay boggeeda X, ayaa sheegtay in aagga dhaqaalaha gaarka ah ee laga dhisayo iyada oo lala kaashanayo Shiinaha “CCCC” oo laga dhisayo 35 hektar oo dhul ah uu yahay mashruuc aad u weyn sida dhismaha magaalo cusub oo ka mid ah caasimadda Itoobiya.

Waxa ay tilmaantay in aaga dhaqaalaha ay ka mid yihiin Suuqyo waaweyn, Guryo la dego, Xafiisyo, Goobo Waxbarasho iyo Caafimaad, iyo sidoo kale Goobaha Biyaha iyo Goobaha Ciyaaraha.

Maayarku waxa ay sheegtay in Addis Tomorrow SEZ ay magaalada Addis Ababa siin doonto muuqaal cusub, korna u qaadi doonto tartankeeda caalamiga ah, isla markaana ay noqon doonto il biliceed oo dheeraad ah, abuurista fursado shaqo oo ballaadhan oo dadka deegaanka ah, isla markaana ay noqon doonto xudunta ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale, agga dhaqaalaha waxaa ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee bixiya adeegyada bulshada, waxaana lagu soo geba gebeyn doonaa muddo gaaban gudaheed, ayay Maayar Adanech ku sheegay qoraalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here