Fool daran habawga lagu wado Arimaha Duulista Hawada Somaliland iyo Qorshe la’aanta lagu waajahayo dagaalka Arimaha duulimaadyada ee Dawlada Federalka Somaliya wado iyo qorsha la idda taagan maanta.
Waxaan jeclaaday inaan bal wax yar ka qoro arintii wasaarada duulista hawada iyo Horumarinta madaarada somaliland ee beryahan cakiran murankuna ka dhaxeeyo qolyahaa Soomaaliya ee aynu markii hore gacanta u galinay maamulkii hawada ee inaga dhaxeeyey oo soo saaray awaa miir cusub oo ay kula wareegayaan dhamaan kharashaadka diyaaradaha hawada Somalia soogala cidhif ilaa ka cidhif sida Over Flight Charges iyo Landing Charges arintaasuna ay Somaliland khatar gelin doonto iyadoo ay Arintii horeba taagantahay ee E-Visaha oo saameyn ku yeelatay rakaabka imanaya Somaliland gaar ahaan madaarka hargeisa ama Egal International Airport.
Waxaanaan aad u la yaabay Madaxweynihii oo lagu lugooyay wax aan ahayn waxqabad se kharash iyo lacag badan Lagu lunsaday bal u fiirso xarunta wasaarada duulista Hawada iyo Horumarinta madaarada somaliland miyay u baahneyd in deyrkeeda wadooyin luga sameeyo iyadoo dhabihii diyaaraduhu ku degayeen Runway gu uu burbur sanyahay oo maalin kasta cabasho ka timaado lagana baqayo in shil diyaaradeed keeni karto (aircraft accident), mid kale ma waxaa la garan la yahay wadanka dhan wax qorsha ah miyeenaan lahayn oo mudnaanta koowaad la siiyo mida kale terminalka waxaa dhistay xukuumadii hore xukuumada maanta joogtaa way qalabeeysay uun.
Waxay aheed masuulka Madaxweenuhu u cugtay wasaaradan in uu tago ugu yaraan Nairobi dacwadiisana uu geeyo oo uu la kulmo Director Of ICAO Regional Office.
Hadii aan u soo noqdo arinta go’aanada ay ka akhrinayeen wax ka fulay ma jirto sababtoo ah:-
1. Wax xidhiidh toosa oo aynu la leenahay ma jirto (United Nation International Civil Aviation Organization) Waayo waxan oo culays ahi inaguma uu dhaceen.
2. Qalab aynu kula xidhiidhnaana ma haysano.
3. Ta ugu muhiimsan ee ilaa imika aynu ka dhacsanahay sharcigii duulista rayidka ma lihin ( Somaliland Aviation Act) oo lagu hawl gelilahaa hadii aanad sharciba lahayn cidi ku dhageysan mayso.
4. Qalab aynu kula xidhiidhno diyaaradaha hawadeena isticmaala ma hayno runtii been yaan laysku sheegin wax yaala maleh Tawarkeena ( sida VHF well covered in airspace, Vsat, Controller–pilot data link communications, (CPDLC), AFTN, SIT-Link, AWOS, ATS, Message Handling System (AMHS) iyo kuwa kaloo badan ma aynaan iibsan kari waayin se waa qorshe xumida ina haysata iyo shaqaalihii aqoonta lahaa ee u shaqeenaayey haayadii ICAO oo magaalooyinka somaliland iska jooga oon laga faaiideeysan aqoontooda waayo aragnimadooda iyo kuwa maanta wasaarada jooga oon qacanta loo siideyn lana maamuusin.
Talo bixin gaara:-
1. Task-Force uu Madaxweynuhu magacaabay inuu ku ladho gudi kale oo aqoonyahana (Adhoc Committee) Kala talisa talaaba kasta oo gudidu qaadayso hadii kale waa biyo col dhaanshay hawshaasu.
2. In sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo arrinta sharciga ( Somaliland Aviation Act).
3. In la dardar galiyo sidii loo heli lahaa qalabka iyo shaqaalihii aqoonta lahaa ee horeba shaqadan u waday ee u shaqeenaayey haayadii hawada u qaabilsaneed qaramada midoobe ee UNICAO ama lasoo tababaray ee suuqa jooga shaqadana dib loogu soo celiyo.
4. In galaangal xoogleh lala sameeyo xafiisyada haayadaha UNICAO, Regional Office In Nairobi, Kenya iyo ICAO, Montreal, Office, khaasatan Technical Cooperation Bureau.
5. December/31/2025 waxaa soo socda culeeyso dhamaan diyaaradaha soo gala Somaliland in ilaa kharashka ama lacagta degitaanka laga qaado diyaaradaha Landing Fee ilaa Mogdisho lagu shubo mooyee aanay Hall diyaarad hawada soo gelaheen sida ku cad NOTAM kan ay diyaaradaha u direen bishii hore October/21/2025 / Code Number / 0718.
Qallinkii Aqoonyahan Suleiman Marshall



















