Qiimaha Shidaalka oo Kor Uga Kacay Suuqyada Somaliland iyo Cabashada Gaadiidleyda

0
1420

Hargeisa (Hargeisa Press) – Qiimaha Shidaalka, ayaa kor uga kacay Suuqyada Somaliland, waxaana arrintan Cabasho xoogan ka muujiyay Gaadiidleyda kala duwan ee dalka.

Qiimaha shidaalka ayaa si maalin leh isku beddelaya, iyadoo si joogto uu qiimihiisu kor ugu socdo.

Qiimaha shidaalku isbeddelin ama kor u kicin waxa Halka Litir ee Patrol-ka ah lagu iibinayey 4500 shilin oo Somaliland, halka uu imika ka marayo 6500 shilin, taasi oo ka dhigan in Halkii Litirba ay ku biirtay lacag gaadhaysa 2000 shilinka Somaliland ah.

Dadka Gaadiidleyda, ayaa sheegay in arrintani ay ku tahay culays, sidaasi darteedna loo baahan yahay in Xukuumaddu soo faro-geliso oo ay wax ka qabato.

 “Markii hore 5-ta Litir ee aan gaadhiga ku shubto waxa la iga siin jiray 22 kun iyo 500, laakiin imika waxa la iga qaadaa 31 kun iyo 500..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka gaadiidka ku dhex wata Magaalada Hargeysa.

Isbeddelka ku yimid Qiimaha shidaalka, ayaa waxa sidoo kale la socda kor u kaca uu shidaalku sabab u yahay oo ku yimid Maceeshadda Quutal-daruuriga ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sababta uu qiimaha shidaalku kor uga kacay gudaha Somaliland ay tahay in qiimaha shidaalku iska beddelay suuqyada Caalamka.

Waxaana uu sheegay in haddii qiimaha shidaalku sidan sii ahaado, ay suurto-gal noqon karto in gaadiidka Dadweynuhuna ay kor u qaadaan Qiimaha lagu raaco, sida Basaska iyo Tagaasida oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here