Hargeysa,(HargeisaPress) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si qiiro leh uga hadlay aas qaran oo loo sameeyay labadii marxuum ee dhawaan lagu dilay magaalada Hargeysa, isaga oo shacabka iyo hay’adaha ammaanka u jeediyay baaq midnimo, feejignaan, iyo isku duubni.
Muuse Biixi ayaa hadalkiisa ku bilaabay digniin iyo xasuusin muhiim ah:
“Qaranka waa lagu soo duulay maalintii aynu is canaanaynay ee hoos isku eegaynay, maaha”.
Waxaanu tilmaamay in khilaafka gudaha iyo kala shakiga bulshada dhexdeeda uu fursad u yahay cadowga mid gudaha jooga iyo mid dibadda ka yimaadba.
Waxa uu shacabka ku booriyay in la garto xilliga la joogo, lana iska ilaawo wax kasta oo dib-u-dhac iyo daciifnimo keeni kara.
“Cadow baddan baynu leenahay, waxaa inagu waajib ah dhammaanteen in aynu cadowgeena u guntano oo meel uga soo wada jeedsano,” ayuu yidhi Madaxweyne hore Biixi.
Isagoo hadalkiisa sii amba qaadayay, waxa uu u duceeyay shacabka iyo ciidammada, isaga oo Alle uga baryay barako, naxariis, iyo cafis:
“Dadka iyo dalkaba Alle haynoo barakeeyo. Wax hala hubsado ayaan leeyahay. Askariga waxaan leeyahay: dedaala, inaguna aynu la shaqayno. Dambigeena Alle ha dhaafo, kii waalidkeena Alle ha dhaafo.”

















