Hargeysa, (HargeisaPress) —Qaarka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gala magaalada Hargeysa ayaa maanta kulan ay iskugu yimaadeen waxay si kulul uga jawaabeen hadalo iskugu jirey dhaliilo iyo hanjabaado oo wasiirka Madaxtooyada Somaliland usoo jeediyey warbaahinta Madaxa banaan,
Shirkaasi jaraa’id ee ay qabteen saxafiyiintan ayaa waxa markii uu maqlay si wayn uga gubtay wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga ay ku socotay Jawaabtu,waxaana dhamaanba wariyayaashii halkaasi ka hadlay si deg deg ah loogaga yeedhay Aqalka Madaxtooyada Somaliland,iyada oona markii ay yimaadeen madaxtooyada lagu amray inay masaxaan muuqaaladii iyo sawiradii la duubey ee ay saxafiyiintani kaga jawaabayeen hadalkii deel qaafka ahaa ee iskugu jirey hanjabaadaha iyo dhaliilaha kana soo yeedhay wasiir Maxamuud Xaashi.
Geesta kale saxafiyiinta ayaa ay madaxtooyadu amartay inaanay baahin wax muuqaal iy sawiro ah oo la taxaluqa jawaabta ay saxafiyiintu siiyeen wasiirka,iyada oona dhamaan laga wada masaxay.
Ilaa hadda lama garnayo sababta ay madaxtooyada Somaliland uu ugu dhaqaaqay talaabadan uu ku amrayo wariyayaasha inaanay baahin,balse talaabadan Ayaan noqon dooni mid dabar ku xidhaysa hawlaha shaqo ee ay warbaahintu hayso iyo soo bandhigista xaqiiqooyinka jira .
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP