Prof Samater: “Madaxweyne Muuse qof maaha, ee waa calankii oo socda…”

0
1368

Hargeysa (Hargeisa Press)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ah Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Hillaac, ayaa ka hadlay dowladnimda iyo waxyaabaha asaaska u ah dhismaha dowladnimada iyo in la helo dowladda shaqaynaysa.

Axmed Ismaaciil Samater waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad ay ku qalin-jabinayeen Arday ka aflaxday Machadka shaqaalaha dowladda Somaliland.

Waxaanu sheegay in ay halbawle u tahay waxa ay ardaydu barteen iyo waxa Machadka ay ka qalin-jabiyeen uu u taagan yahay.

“Horumarka waddan waxa weeye badalaad goor walba taagan illaa goorta ay aduunyadu dhamaato, taas oo laga shaqeeyo”. ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater.

Waxa uu sheegey in Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, kaliya aanu ahayn madaxweynaha waddanka, balse uu huwan yahay shaadhka iyo astaatan qaranka. waxaanu yidhi “Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi qof maaha, ee waa calankii oo socda iyo qarankii oo socda.”

Prof Samater, ayaa waxa uu is-dultaagey inay jiraan afar qodob oo muhiim u ah dowlanimada, taas oo uu saldhig uga dhigay horumarka dhaqan-dhaqaale iyo bulsho.

“Ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka, in wadanku ka yeesho siyaasad iyo farsamo lagu dhiso dhaqaalaha si loo helo koritaan dhaqaale, la jaan qaadka isbadalka dhaqanka iyo tan ugu dambaysa oo ah sida maamulka waddanka iyo sida laysugu xidhayo wakhtiga taagan isla markaana mashaakilka iyo xaaladaha taagan ay siyaasadu noqoto muftaaxa lagu furo.” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samater.

Axmed Ismaaciil Samater, ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay sidii loo heli lahaa maskax caafimaad qabta si loo tiigsado horumar ballaadhan oo qaranku gaadho, sidoo kalena waxa uu aad ugu dheeraaday dhaqaalaha iyo hurmarkiisa.

Linkigan hoose guji oo daawo

https://www.facebook.com/share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here