Hargeysa,(HargeisaPress)–Premier Bank Somaliland ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo uu ku caddeeyay in aanu jirin wax adeeg E-Visa ah oo uu bangigu bixiyo, isla markaana uu u shaqeeyo si waafaqsan sharciga iyo nidaamyada maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Bangigu wuxuu sheegay in adeeggiisa “Gateway Service” uu yahay mid lagu fududeeyo lacag-bixinta casriga ah ee gudaha Somaliland, balse aanu lahayn wax xidhiidh ah oo dibadda ah, gaar ahaan nidaamka E-Visa ee baraha bulshada lagu sheegay.
“Ma jiro adeeg E-Visa ah oo uu qabto Premier Bank Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka war-saxaafadeedka. “Bangigu wuxuu si madax-bannaan ugu shaqeeyaa nidaamka maaliyadeed ee dalka, mana aha mid ay ku lug leeyihiin dano siyaasadeed ama ganacsi oo gaar ahi.”
Premier Bank Somaliland ayaa tilmaamay inuu qayb muhiim ah ka yahay koboca dhaqaalaha iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga, xeerarka maaliyadeed iyo madax-bannaanida hay’adaha dhaqaale ee Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo baraha bulshada lagu faafinayay eedaymo sheegaya in bangigu ku lug leeyahay nidaamka E-Visa ee ay isticmaalaan muwaadiniinta Somaliland ee safarrada caalamiga ah – arrintaas oo Premier Bank si rasmi ah u beeniyay.
WAR-SAXAAFADEED ka soo baxay Xarunta Banka ee Somaliland ayaa u dhigna sidan hoose :-


















