Peter Pham: “Madax-bannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland waxay dani ugu jirtaa Mareykanka”

0
2203

Washington (Hargeisa Press)- Dr. J. Peter Pham oo ah khabiir falanqeeya siyaasadda iyo ammaanka, isla markaana ahaa  diblomaasiyiintii hore ee Mareykanka, ayaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyay 64 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay madax-bannaanideeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26kii June 1960kii.

Dr. J. Peter Pham wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku daabacay bartiisa X (Twitter) , waxaanu hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo shacbiga reer Somaliland.

Khabiir Dr. J. Peter Pham wuxuu intaas ku daray inuu rajaynayo in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland inta ka horraysa sannad guurada 65-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland hanatay madax-bannaanideeda.

Waxa kaloo uu ku dooday in madax-bannaanida iyo aqoonsiga Somaliland ay dani ugu jirto masaalixda Mareykanka iyo dalalka gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid tahay Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here