Oog (HP): Wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland ayaa maanta degmadda Oog ee gobolka Saraar xoolo nool oo gaadhaya kun neef ugu qaybisay qoysas danyar ah oo ay abaaruhu xoolahoodii ka saareen.
Adhigaasi la qaybiyay oo tiradiisu dhamayd kun neef oo Adhi ah, ayaa loogu tallo galay in dib u xoolayn loo sameeyo qoysaskaasi danyarta ah in noloshoodda kor loogu soo qaado.
Waxaana xoolahaasi u qaybiyay qoysaskaasi danyarta ah oo wasaaradda uga wakil ahaa ssku-duwaha wasaaradda xanaanadda xoolaha ee gobolka Saraar Dr. Ibraahim Axmed Saleebaan.
Isku-duwaha waxaa qaybinta xoolahaasi ku wehelinayay maayarka degmadda Oog, iyo sidoo kale xoghayaha dawladda hoose ee degmadaasi Oog.
Dr. Ibraahim Axmed Saleebaan, isku-duwaha wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee gobolka Saraar, oo ka warbixiyay xoolahan loo qaybiyay qoysaskaasi ayaa sheegay in Adhigaasi kunka neef ah uu isugu jiro Lab iyo Dhedig ba.
Geesta kale qaar ka mid ahaa qoysaskii danyarta ahaa ee xoolaha loo qaybiyay ayaa wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland uga mahad celiyay caawimadaasi xoolaha nool ah ee ay soo gaadhsiisay.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.