Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale “Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen”

0
933

Dakharrada Gabooyaha,Dummaddooda lala dhacay,Daw-dhaafka Yibirkiyo,Dala’siga Tumaalaha,
Dulmanaha la qaybsaday,Digashada xanuunka leh, Deel-qaafka Boontiyo, Dalmarow ma dhaaddeen?

Maansada ‘Dulmanaha la quudhsaday’ ee Yuusuf  Cismaan Cabdulle (Shaacir)

Dadkan la hayb-soocayaa: Ma xil baanay mudnayn? Ma xurmaanay lahayn?

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 6/3/2015ka,

Bisinka iyo Yaasiinka…..Tabaaragga iyo Tiirka bir ah. Illeyn ibtiloba waa dadkii aad la dhalatay ee aad wax walba la wadaagtay ha ku quudhsadaan oo ha kaa dhigaan waxaan dhammayn ee kala dhiman oo inta kale ka hooseeya. Illeyn aafoba waa dalkii aad ku dhalatay ee aad ku dhaqantay kuwii kugula dhashay ee aad dub, diir iyo diinba wadaagteen ha kaa duudsiyaan xuquuqdaadii ma-guraanka ahayd ee Ilaahay kuugu deeqay.

Bal ka warran adiga oo aan wax galabsan oo aan waxna geysan haddii intaas oo magac iyo naanaysood laguu bixiyo oo ay weliba maansooyin iyo maah-maaho raacaan. Bal ila eega magacyadan sandahan ee aynu ku takoorno dad inala mid ah oo aynu dal, diin iyo dhaqanba wadaagno.. Oo maxaa ka mid ah? Waa Gabooye……Waa Midgaan……Waa Yibir…….Waa Yaxar……Waa Boon…….Waa Tumaal……Waa Anaas…….Waa dadka la-hayb-sooco……Waa dadka tirada yar…….Waa Reer Daammi……Waa dadka laga tirada badan yahay. La is-ma weydiiyo cidda ka tiro badan, iyaga oo ah qowmiyadda keli ah ee gobol kasta iyo degmo kastaba dalka ka deggen. Magacyadaa ummadda aan waxba galabsan lagu quudhsanayo, ilaa inta aad doontaan wada. Maanta oo dhan ka daali meysaan haddii aad waddaan, wax garowshiiyo ahna ka bixin meysaan. Waxaan u jeedaa qoloda laan-dheerennimada sheegata ee Ajiga.

Weli ma is-weydiiseen, wixii aad dareemi lahayd haddii dalkaaga ay kugu xaqiraan, kugu quudhsadaan, kugu hayb-soocaan dadkii aad kula dhalatay ee Ilaahay idinku wada uumay? Maya, ma malayn karaysid. Run ahaantii wax la malayn karo maaha. Bal u fiirso mararka aad maqasho in reerkiinnu gun yahay, dareemmada ku dhasha qofka Soomaaliyee ee weliba qabka raacatadu ku weyn yahay. Miyaanay qoriga haab-haaban. Hadda Ilaahay iyo Maxamedkii uu smaha ku uumay marka la af-lagaaddeynayo laan-dheerayaashu ama Ajiguba sidaa uma xanaaqaan qorigana uma haab-haabtaan.

Dhuule Cali wuxu ahaa Cumar Dhuule Cali aabihii. Waxay ku dhaqnaan jireen magaalada Burco oo ay ka soo jeedaan. Cumar-mahdi se in badan ayuu dal maray oo Burco ka-sokow, waxa kale oo uu ku soo noolaaday: Berbera, Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo magaalada Diri-dhabe oo uu ku noolaa sannadihii ugu dambeeyay

Cumar Dhuule oo ay saaxiibbadii u yaqaanneen Cumar-mahdi ayaa nooga sheekeeyay arrin ku soo maray magaalada Burco. Waxaanu joognay magaalada Muqdisho. Cumar-mahdi oo suuqa Burco jooga ayaa nin ku yidhi : “Midgaan.” Cumar-mahdi ayaa ereygii aad u dhibsaday. Ninkii Midgaan ku yidhi ayuu candhuuf ku tufay. Ninkii ayaa saldhiggii bilayska tegay oo soo ashkateeyay. Buuggii dhacdooyinka (Occurence Book: OB-iigii) ayaa lagu qoray. Ninkii saajinka ahaa oo saldhigga joogay ayaa Cumar-mahdi askari u diray oo u yeedhay.

Cumar-mahdi ayaa la keenay. Saajinkii ayaa ku yidhi: “Ninkan candhuuf ma ku tuftay.” Cumar-mahdi ayaa yidhi: “Haa oo waan ku tufay.” Saajinkii ayaa ku yidhi: “Oo maxaad ugu tuftay.” Cumar-nahdi ayaa ugu jawaabay: “Wuxu igu yidhi Midgaan.” Saajinkii ayaa inta uu qalinkii dhigay ku yidhi: “Oo miyaanad ahayn?” Cumarna si fudud ayuu ugu jawaabay: “Bal maad nusa-saace qudh ah ahaatid in aad u dul-qaadato.”

Cumar-mahdi wuxu si ay xikmadi ku jirto u qeexay xanuunka iyo xummadda ay dareemaan dadkan dadkii la dhashay ay takoorayaan ee xaqirayaan. Sheekadu waxay ku dhan tahay: “Bal maad nusa-saace qudh ah ahaatid in aad u dul-qaadato.” Midgaannimadu, waa waxaas uu Cumar Dhuule sidaa fudud ee la wada garan karo u macneeyay. Waa haddii wax lagu qaadanayo.

Dadkan aynu ka hadlaynno takoorka iyo xaqiraaddu qof qof ayay ugu dhacaan. Qolo ahaan ayay ugu dhacdaa. Qowmiyad ahaan ayay ugu dhacdaa. Waxa ku sameeya qof. Waxa ku sameeya oo takoora qolooyin la isku yidhaahdo Aji oo ay iyaguna u yaqaaniin Talaamiin. Waxa kale oo ay u yaqaanniin Qaryad. Waa ummad qarniyaal la soo quudhsanayay oo hoos loo dhigayay, bal se keni adag oo ka nool waxaas aynaan nusa-saacaha u dul-qaadan karayn ee marka gun baad tahay la inagu yidhaahdo aynu qoriga ula boodaynno. Iyagu is-ma dhibaan giirna iskama kiciyaan ee waa kuwaa masaabiirta ay kabaha inoogu tolayaan daasadda biyaha inoogu ridaya ee marka aad soo dul joogsato inagu leh: “Waa ay radayaan,” ee aynu ka rumaysanayno ee ka noqonayno. Caqli iyo garashana halkaas ayay ka joogaan.

Qolo, qolooyin, qaran, qowmiyado iyo qofafba innaga oo ah ayaa u quudhsanna. Intaba aad ayay u dhibsadaan oo waa aynu arkaynaa oo dareemaynaa, haddana kama deyno, kama naxno ee waa aynu ku sii wadnaa. Takoorradaa dhinacyada badan kaga imanaya si uma wada arkaan umana wada dareemaan in kasta oo ay mid kastaba dhibsadaan. Qofka iyo qolada quudhsata sida ay ugu dul-qaataan uguma adkaystaan Xukuumadda talada dalka haysata ee aan ka war hayn waayaha ay ku sugan yihiin iyo sida ay uga arradan yihiin xuquuqdii ma-guuraanka ahayd ee Ilaahay u dhashay ee aanay ahayn in ay cidina ka qaaddo.

Mowduucan quudhsiga iyo takoorku waa mid xanuun badan oo soo taxnaa gu’yaal aynaan tiradooda garanayn, welina socda, goor uu dhammaanayana aanay cidina garanayn isla markaana saadaalin karin. Waxay u muuqataa in ay dadku ka soo bogsanayaan qofaf iyo qolooyin labadaba haddii aynu eegno. Haa…..Marar ayay dhegahaaga ku soo dhacayaan dhallinyaro dhiirratay oo is-guursatay.

Sartu waxay ka qudhuntay oo laga dardaar-werinayaa Xukuumaddeennan Isku-filan Isku-boga ee aan dareensanaynba in ay dhiilladani oogan tahay oo qayb wax tar leh oo mujtamaca ka mid ah loo sadqeeyay.

Dadkan quudhsiga iyo takoorka loo sadqeeyay ee qarniyada hoos looga eegayay kama ay helin xuquuqdoodii, qaylo-dhaantii ugu weyneydna maalmahan ayay ka soo yeedhay. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddan fadhiidka ah ee dhoofka iyo dhar-xidhashada ku mashquulsani marna ma ay jalleecin dhiillada iyo dhibaatada dadkaa haysata Intaas oo isku-shaandhayn ah ayaa la sameeyay oo an marna la xusin.

Waa qaybta ugu nugul mujtamaca isla markaana gacanta ku haysa hawlaha xirfadeed ee ummaddu sida joogtada ah u adeegsato. Mujtamacan xuquuqdoodii laga duudsiyay lama siin fursad ay xuquuqdooda ku helaan iyo qaabab ay ummadda aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ugaga faa’iideeyaan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, Kulmiye iyo Xukuumaddan fadhiidka ah la arag ee wixii rajo laga sugaaba waa labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Barnaamajka ay soo dhigaan ee ay doorashada ku gelayaan. Intaas oo keliya kuma koobna e’, waxa kale oo la dhowri doonaa siday Barnaamajkaa u dhaqan-geliyaan haddii ay doorashooyinka soo socda ku guulaystaan.

(Waa inoo Sabtida dambe, haddii Eebe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here