HargeisaPress- Midowga Yurub waxa uu Berbera Corridor ku daray marinnada ganacsi ee ugu istaraatiijisan Afrika – taas oo sare u qaadaysa kaalinta Somaliland ee ah isku xidhaha Itoobiya, Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka sida lagu muujiyay warbixinta 2025 ee Xarunta Cilmibaarista Wadajirka ah (JRC).
Aqoonsiga Berbera Corridor ee qorshahani wuxuu si cad u muujinayaa awoodda iyo muhiimadda ay Somaliland ku leedahay isku xidhka Itoobiya, Geeska Afrika, iyo suuqyada caalamka, iyadoo Berbera noqotay marin istiraatiiji ah oo ganacsi iyo is-dhexgalka dunnidaba u furan.
Somaliland waxa ay ka faa’iidaysan kartaa qorshahan Midawga Yurub si ay u dar-dar geliso horumarinta kaabayaasha, u xoojiso nidaamka fududeynta ganacsiga, islamarkaana u soo jiidato maalgelin cusub oo horumar waara horseeda. Waxa kale oo ay muujinaysaa in xasilloonida siyaasadeed, booskeeda juqraafiyeed ee muhiimka ah, iyo aragtideeda horumarineed ay ka dhigayaan Somaliland dal lagu kalsoonaan karo oo muhiim u ah horumarinta isku xidhka gobolka.
Xigasho: Abdirashid Ibrahim Abdirahman


















